Tuesday, April 23, 2019

UUGAAMO

Bus iyo siigo. Indhaha ayaa laga dadanayaa. Waxayba noqotay in maalin Alle keeno xanfar iyo sufur laga baqo. Sufurtu halkey ku soo wajahan tahayba waa laga cararaa. Waxa la sheegaa in ay tahay baabuur la rumeysan yahay in Jinni darawal ka yahay, Jinniyo badan oo rakaab ahna ay saaran yihiin. Deegaanku sidii hore ma aha. Marka taag darri iyo awood la’aan lala gaggabo, oo tallaabtii la qaad maagaba la kufo, ayaa dib loo gocdaa xusuusihii tagay iyo sidii beri hore la ahaan jirey. Halkani waxay ahaan jirtey meel kulmisa dad, duunyo iyo dugaag oo barwaaqada dhex ceegaagta, ay u sii dheeraayeen balliyo, baraago iyo beero baaxad leh, cimiladeeduna isu beddesho qabow waqti dheer ah iyo kuleyl muddadiisu koobneyd. Waa miyi dadkii ku noolaa ay beeraley iyo xoolo-raacato ahaayeen, na dhaqan jireen, baadkana inta ugu badan waxay ka heli jireen beeraha ay tacbadaan, intaas wixii ka soo hara oo laga maarmi waayana waxay u doonan jireen beldaanka fog, iyagoo ku beddelanaya dheefta xoolaha laga helo, sida caanaha, subagga iyo neefkii geed-ka-nixis ah ee gadmaya oo la safrin jirey.
Ka sokow dhulka carro-sanka ah ee ballaaran, waxay caan ku aheyd dhir kala jaad ah, kala dhaadheer oo dhibcaha roobku sii dhalaaliyaan caleemeheeda, iyo xareed qar ilaa qar qulquleysa. Dhawaqa shimbiraha ayaa raaxo, raxmad iyo nasiimo u ah dhegtii maqasha. Dalagga beeraha ka soo go’a iyo miraha geedaha ku yaal ee macaan waa la quudan jirey, heer waxa la gaaray dhereg darteed la dhammeyn waayo oo cid gurata la waayo, ayna dayac u qurmaan dabadeedna sidaas ku qallalaan. Deeq Ilaah iyo darajaba waa loo sinnaa, ha yeeshee dadaal lagu kala sarreey, dadku se isuguma tookhi jirin “anaa kaa wax badan.”
Markii dambe ee lagu sigtay in la reer magaaloobo, noolihii halkaa joogayna ay aad u tarmeen ayey tuulo isu beddeshay. Magaca tuuladan oo ab ka ab soo jirey, waxaa markii hore loo yaqiin Ugaamo, ha yeeshee karid iyo karid la’aanba dhawaaqii iyo macnihii baa doorsoomay, waqti iyo waayo badan ka dibna Ceeryaamo ayuu isu beddelay. Waa tuulo dhacda dhul howd ah.
Xilliyada barwaaqo-sooranka ee xooluhu xasilaan, beerahana la qoto, waxaa leysugu imaan jiray fagaareyaal lagu ciyaaro, lagu legmado, laguna baratamo. Markaas baa qofkii shaahid u ahaa ka sheekeeyaa wixii dhacay. Billadda orodka ee tuuladan hadba ninkii haysta ayaa loollan loogu qaadi jirey goobo kale oo lagu tabayey dhallinyaro orotanka ku dheereysa. Bootintuna la mid bey aheyd. Halka ay legdami jireen dadka tuuladan iyo agagaareheeda deggan ee leh tabyo, xeelad iyo xoog. Laakiin legdanku ma aheyn mid sida baratanka loo weyneeyo oo qofkii xoog leh loogu qaado meelo kale.
Reer Ceeryaamo waxay bootinta u qeybiyaan labo; bootin dheer iyo bootin-hoosaad. Bootinta dheer waa marka geedaha iyo meelaha sarsare laga boodayo, tan hoosaadka ahna waa dhulka oo qof walba tallaabaha ama baaca uu ka boodi karo loo tiriyo loona xarriiqo ama, labo ul loo kala dhigo halka uu ka diganayo iyo godka uu ku boodayo qarkiisa. Rikoorka bootinta hoose waxaa haystay nin la dhihi jirey Biibaaye oo toban iyo labo mitir ka booday, godkii uu markaas ku dhacayna ku jabay. Wixii xilligaas ka dambeeyey iyo ka horba lama arag qof intaas ka booda. Bootinta dheerna waxaa looga dambeeyey nin ay biriqu dishay waa dambe, oo ka booday gaari laanroobal [land Rover] ah.
Dadka tuuladaas deggan waxay ahaayeen beel kaliya oo la oran jirey Baryosame. Guur la qaaliyeeyo iyo hablo bixintooda laga ganacsado, dhaqan iyo caado midna uma aysan laheyn. Wax kasta xaal iyo xeer bey lahaayeen la xurmeeyo, si xeel ahna loogu dhaqmo. Waa midda keentay in beeshani taranto, isu kaalmeynta iyo wax-bixintuna waxay agtooda ka aheyd kaalin loo tartamo. Beesha Baryosame, waligeedba hoggaan dhaqan bey laheyd oo soo-jireen ah. Waa ugaas. Duco, talo iyo dardaaranna isaga ayaa looga dambeyn jirey.
Wax sidaas la ahaado oo waqtigu is guro, waxa la gaaray xilligii jiilaalka. Waa mid ka duwan kuwii hore, kana dhib iyo kuleyl badan. Wuxuu ahaa jiilaal aan ka go’in xusuusta dadkii berigaas noolaa iyo kuwii looga sheekeeyey. Gees ka gees waxaa deegaanka halakeysay oo si ba’an u saameysay, cagtana marisay abaartii ugu xumeyd abid inta la xusuusan yahay, socotayna hal sano, bil iyo 20 habeen oo aan dhibic roob ah la helin. Xoolihii wey dabargo’een, duurjoogtiina waxay noqdneen kuwo deegaanno fogfog oo dalka ka baxsan u hayaama iyo kuwo le’da. Beero la qoto warkood daa. Qofkaan hore u aqoon dhulbeereedkii tuulada Uugaamo ee baaxadda lahaa, wuxuu sawiranayaa ama iska dhaadhicinayaa in goobahaasi yihiin garoomo ciyaareed, ama gelgelimo geela iyo dameeruhu ku galgashaan.
Dhawaaqii shimbiraha iyo shuxshuxdoodii dhegaha aadmiga heesaha dabacsan u ahaa, waxaa beddelkooda la maqlaa duqsi waaweyn oo abeeroobay iyo cayayaan kale oo baqtiga quuta. Intii baalalley aheyd ee hilbaha iyo raqdu anfaco u ahaayeen oo Huryo, Gallayr iyo Tuke ugu horreeyaan ayaa iyaguna dul heehaabaya deegaanka cirif ilaa cirif. Udgoonkii, reexaantii geedaha iyo hawadii sida saxansaxada roobaad u carfeysay ee sanka lala raaci jirey, waxaa ka tan batay qurun ay ka dhasheen cudurro badan oo dilaa ah. Xoolihii le’day ee birta lala gaari waayey, uuskoodii baa carrada daadsan. Maqaarkii iyo lafihii xoolaha ayaa meel kasta tuban. Ma jiro geed la seexdo lana hargalo.
Muuqaal ahaan, badanaa dadka midabkoodu madow iyo maarriin ayuu ahaa dhalaal badan, ladan oo qorraxda dul iyo dub u adkeysta leh, maantase waa laf iyo maqaar ka maragkacaya macluusha jirta. Qaarkood daryeel la’aan bey u ruuxbexeen, qaarna “naftu ma ku jirtaa mise wey ka baxday?” ayaa la leeyahay inta la duudduubay oo meel la dhigay oo laga rejo dhigay.
Dadka kuwoodii liitay waxa loo daadgureynayey magaalooyin fogfog oo isbitaallo waaweyn lahaa. Masaafadu wey fog tahay jidadkuna wey dayacan yihiin. Magaalada leys dhihi karo wey u dhawdahay tuulada Ceeryaamo, gaariga ugu xawaaraha dheereeya wuxuu u socdaa labo maalmood iyo dheeraad, baabuurta qaar ayaaba isbuuc waddada ku jira. Badidood dadkii la qaadayna meel dhexe ayey ku nafbaxayeen.
Abaartu dad iyo duunyo in ay saf ka wada martay oo ay salfatay dad magac iyo maamuus ku lahaa bulshada dhexdeeda waa la ogaa, lana ogsoon yahay wali. Waxaa ka mid ahaa dadkii ku baxay abaartan, qof muhiim iyo laf-dhabarba u ahaa reer Baryosame oo ay ku habsatay masiibo abaartii uga darneyd. Waa ugaaskii beesha. Waa leysku soo baxay. “Hoogayeey… Ba’ayeey…” ayey haweenku ku tiraabayaan. Midba middey ka cod-dheer tahay ayey ka baroor iyo oohin badan tahay. Baroori baas iyo belo dhacday ayey astaan u tahay ee bogsiin uma aha.
Raggiina waxaa laga celcelinayaa nin daawo-dhireed ka ganacsada oo sameeya. Nin faash wata, mid bud madax kuusan ku gaatamaya iyo mid toorreey xuub cad ah gosha kala soo baxay, waa la wada dhaarsan yahay. Odayaashii iyo culimadii tuulada ayaa celcelinaya raggan ciilku indhaha tiray. Saalax waa ninka daawo-dhireedda gada, farsameynteedana yaqaan oo loogu hagaago. Wuxuu ku eedeysan yahay in uu daawo qaldan cabsiiyey ugaaskii beesha oo ha la baxnaaniyo inta la maagay daawadan lagu dayey.
Habeenkii uu daawadaas budada ah “caano ha loogu walaaqo” yiri, lana yeelay taladiisa, subaxdii ka dambeysaba ugaasku wuxuu ahaa reer Aakhiraad. Waxaa ku soo booday xanuunnadii dillaacay mid ka mid ah. Waase la shareystay in beldaanka loo qaado, oo waxaa lagu towfiiqay in tuulada lagu dabiibo intii ay naftiisu halis ku gali laheyd meel dhexe oo geeri-go’an ah. Daawadii Saalax ayuu sababsaday ugaaskii beesha Baryosame, ugaas Xaashi ugaas Ducaale.
Labo toddobaad markii ay ka soo wareegatay geeridii ugaaska ka dib, waxaa la duubay oo lagu caano-shubay wiilkiisii curadka ahaa, Mayoome, oo dhaxal-suge ahaa. Ugaas Mayoome waa da’ dhexaad, waana xaasle leh labo carruur ah. Waa nin sida aabbihiis lagu sheego mucjisooyin badan, lana karaameeyo.
Maalin maalmaha ka mid ah oo kuleylka cadceeddu xadkiisii dhaafay, oo jiingadda guryaha dul saaran ee daxaleysatay ay ka sanqarayaan wax dhibco roob la moodo balse kuleylka qorraxda ahaa, ayuu ugaasku isugu yeeray dadkii tuulada oo aan boqol dhammeyn. Intii u qaxday iyo intii hore ugu nooleydba boqol wey gaari waayeen. Waxaa la soo jeediyey in la roob-doono marka salaadda duhur la tukado ka dib. Taladaas waxaa lahaa ugaaska oo markii hore isugu yeeray ayna ku raaceen, weyba ku qasbanaayeene, dadkii tuulada degganaa iyo qaar kale oo miyigeeda ka yimid abaartii ka dib.
“Faqultustagfiruu Rabbakum innahuu kaana gaffaaran, yursilissamaa’a caleykum midraaran,” ayey dadku ku dhawaaqayaan iyagoo lugeynaya jidka weyn ee farasmagaalaha mara, safsafna u socda. Dadka roobdoonayaa waxay u badan yihiin ardaydii dugsiyada Quraanka iyo xertii taabacsaneyd sheekhii ugu weynaa culimada tuulada, balse maalmo ka hor u geeriyooday xanuunnadii lagu hoobtay ee ka dhashay abaartii jirtay. Caano loo barxo inta la waayey baa biyo cad loo sokoreeyey, ka dibna loogu shubay fuusto la kala gooyey oo loogu talogalay in xoolaha lagu shubo, laguna shubi jirey. Dadka roobdoonaya ee harraadsan, ee raranka iyo nohdu markey isugu darsoomeen dhididkii ka yimid dhilfaha ka dharbiyey, wax intaas ka badan oo loo awoodi karay ma jirin.
Markii waddooyinka magaalada dhan walba loo qaaday ayey roobdoonayaashii isugu yimaadeen geed kullan ah oo abaar iyo aaranba hoos lahaa, kuna yaallay bartamaha tuulada. Halkaas baa biyihii lagu cabay oo qof walbaaba kabbaday intuu rabay in ka yar, waayo ma aheyn kuwo qof kastaaba ka naaxi karay. Weelasha wax lagu cabayo ayaan ku filneyn dadka meesha jooga, sidaas aawgeed waa leyska sugayaa, loo kala hormarayaa lana kala dambeeyaa. Iyadoo saf loogu jiro fuustadii biyaha laga darsanaayey oo aan wali la faarujin, baa waxaa hal mar la maqlay gugac qof kastaaba abshireystay. Waa sasaan roobaad. Dhanka bari ayuu gugacu ka soo yeeray.
Dabeyl-caafimaad baa timid. Neecaaw qabow oo udgoon baa la socota. Gugac la maqalyaaba hillaac la arag. Bari ilaa woqooyi waxaa is qabsaday seymihii roobka oo toshay. Dadku waxay isu tilmaamayaan halka roobku tumayo iyo xooggiisa. Geedkii kullanka ahaa ayaa wali la ag tuuran yahay. Waxaa in uu hadlo damcay ugaaskii beesha oo dhankiisa loo wada jeestay. Reer Baryosame, intii muggaas joogtay ee halkaas joogtay ayaa wada fariistay oo aamusay. Waa u caado in juuqda la joojiyo marka ugaasku hadlayo oo la karaameeyo. Ma aheyn in uu ahaa kalitalis iyo qof ummadda baqdin-galiya, laakiin ducadiisa iyo habaarkiisa ayaa la aaminsanaa in natiijadooda la arko. Waxa kaloo ay ogaayeen in uusan cidna ku aweytin eex iyo gardarro. Mucjisooyin badan oo uu leeyahay dartood ayey dadku isugu qasbeen in si gaar ah loo karaameeyo.
Dhallinyaro beesha ah ayaa mar damcay in ay isbaareystaan dad masaafur ah oo ay marriin u aheyd tuulada Ceeryaamo. Dhacdadaasi wey soo noqnoqtay ilaa markii dambe uu ugaaskii geeriyooday yiri “ha la soo qabqabto,” markii loo keenayna ka waaniyey. Midna dheg jalaq uma siin oo hawshoodii ayey halkii ka sii wadeen. Waxay kasbadeen habaarkii ugaas Xaashi oo ku dhaabay “wax aan calaamaddooda la aqoon in Ilaahey ku sallido.” Nimankii cunaha u galay dadkii masaafurka ahaa wey baabba’een ugu dambeyn, lamana sheegin mid ka fiigay oo fayoobaaday. Marka karaamada ugaasku ma aheyn wax uu isagu dalbaday amase qasab ku yeelsiiyey beesha inteeda kale. Ugaas Mayoomana si la mid ah sidii aabbihiis ayey beeshu u karaameysaa.
Markuu hadlay, digay oo uu dardaarmay ka dib, ayuu duco ku soo qatimay hadalkiisii. Isagoo ducadii wada, dadkuna “aamiin”ta u jiibinayaan ayaa waxa billowday roob mahiigaan ah. In guryaha la kala aado oo roobka laga onkorto ayuu ugaasku idmay. Galabtaas roobkii billowday wuxuu da’ayey ilaa habeenkii, markuu waagu bikaacay ayuuna qayooday. Wuxuu ahaa roob xooggan oo biyodhigay waddooyinka tuulada iyo goobihii ku hareereysnaa.
Isla subaxdiiba waxa loo hiireystay in la tacbado beerihii bannaanoobay ee goofafka isu beddelay. Xareed waa laga dhergay lana keydsaday sida in abaar kale oo tan la mid ahi soo socoto, oo dadku waxay u baraarugeen una waantoobeen si aan horey loo arag una dhicin. Sida abaartii dhacday “daacuun” loogu waqlalay ayaa gugii hooray “dihaal-reeb” loogu wanqalay. Ceeryaamo hadda waa magaalo-ganacsi oo loo iibgeeyo xoolaha nool, beeraha ku yaal dalagga ka soo go’ana waa lagu tiirsan yahay waana la dhoofiyaa, sidey u weynaatay ayey u barakoobeen una tarmeen reer Baryosame oo Ilaahey u aqbalay ducadii ugaaskooda, abaartii ka dib.
#Xuquuqda sheekhadan waxaa leh Ibrahim Nolosha.
W/Q: Ibraahim Nolosha

UUGAAMO

Bus iyo siigo. Indhaha ayaa laga dadanayaa. Waxayba noqotay in maalin Alle keeno xanfar iyo sufur laga baqo. Sufurtu halkey ku soo wajahan ...