Saturday, September 15, 2018

Dulmi

QISO WAXTAR LEH.

Nibi Muuse ayaa yidhi Ilahayow sidee ayuu ninka daciifka  ahi xaqiisa uga qaataa ninka xoogga wax uga qaata ee dulmiya, markaas ayaa la faray inuu meel tago. Markuu gaadhay meeshii ayuu arkay meel biyo ka soo dhacayaan(Water fall ) , markaas ayuu intuu fadhiistay maskaxdiisiina ku fooftay biyo dhicii.

Isagoo sidii ugu maqan fikirkii ayaa waxaa yimid nin Faaris halyey ah oo faras iyo kiishad wata intuu faraskii ka booday oo uu kiishadii iska furay  ayuu biyihii cabay oo uu kudabaashay markaas ayuu iskatagay kiidhadiisiina wuu iloobay, islamarkii wiil yar oo agoon ah ayaa yimid oo biyihii cabay oo qaatay kiish ay lacag iyo dahab ka buuxaan iskana tagay,

Nin duq ah ayaa yimid isagoo biyihii cabaya ayuu Fariskii soo noqday oo uu duqii ku yidhi war away kiishaddii aan halkan kaga tagay duqii ayaa yidhi waxba ma arkin markaas ayuu qoorta seef kaga gooyey.
hadaba duqu wuxuu waa hore dilay fariska aabihii wiilka yar aabihiina wuxuu ushaqagn jiray 20 sano Fariska aabihii xaqiisiina ma uunan siin , marka midwaliba wuxuu qaatay xaqqii aabihii.


Xikmada Sheekadaan kujirta Waa in dulmigu si walba oo u xoog badanyahay ama uu waqti uga so wareego ay maalin uun Cadaaladi ka dnbaynayso , Waayo illahayba uma abuurin dunidan in ay ahaato mid hal dhinac ka raran. 

sheekadan waxaa boggiisa facebook so dhigay Mohamuud Yassin Sheikh Abdirahaman.

UUGAAMO

Bus iyo siigo. Indhaha ayaa laga dadanayaa. Waxayba noqotay in maalin Alle keeno xanfar iyo sufur laga baqo. Sufurtu halkey ku soo wajahan ...